Baarlamaanka Warar 

Guddiga dib u eegista dastuurka ee baarlamaanka oo ku shiraya Garoowe

Guddiga dib u eegista dastuurka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta shir seddex cisho socon doona ka furay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Shirkan oo ay ka qeybgalayan xubno ka socda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa looga hadli doonaa dib u eegista dastuurka qabyada ah,gaar ahaan cutubyada 10-15,sida uu guddiga sheegay.

Waa markii afaraad ee ay guddiga ka dooddan cutubyadan oo hadda la filayo la dhameystiro dib u eegista lagu sameynayo.

Guddiga ayaa hore u soo dhameystiray ilaa iyo 10 cutub kuwaas oo loo gudbiyay baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Warar kale oo la xiriira