Baarlamaanka Warar 

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo mooshin ka diyaarinaya wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya

Qaar kamid ah xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa qoray mooshin ay ka gudbinayan wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda raysul wasaare Xasan Cali Khayre,sida uu Kalfadhi u sheegay xildhibaan Maxamed Xasan Ganey.

Xildhibaanka oo wareysi gaar ah siiyay Kalfadhi ayaa xaqiijiyay in la qoray mooshin ay xildhibaannada ka gudbinayan wasiirka arrimaha gudaha mudane Cabdi Maxamed Sabriye.

‘’ Waxaan kuu xaqiijinaya in la qoray mooshin laga gudbinayo wasiirka marka uu furmo golaha shacabka 27-ka bisha Sebteembar, ‘’ wasiirka waxa uu gabay shaqadiisa halka wasaaradana ay noqotay sida Cabdalle shiddeeye oo ah meel waraaqaha lagu daabacdo,’’ ayuu yiri xildhibaan Ganey.

Xildhibaanka ayaa aad ugu dhalliilay wasiirka go’aankii ay wasaaradiisa ku burisay natiijadii doorashada maamulka Jubbaland ee lagu doortay Axmed Maxamed Islaam (Madoobe)

Warar kale oo la xiriira