Baarlamaanka Warar 

Shirka guddiga dib u eegista dastuurka baarlamaanka oo maanta lagu soo xirayo Garoowe

Guddiga dib u eegista dastuurka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta la filaya inuu soo gabgabeeyo shir muddo cisho 3 ka socday caasimada Puntland ee Garoowe.

Shirkan oo ay ka qeybgalen xubno ka socda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa looga hadlay dib u eegista dastuurka qabyada ah,gaar ahaan cutubyada 10-15,sida uu guddiga sheegay.

Waa markii afaraad ee ay guddiga ka dooddan cutubyadan oo maanta la filayo in la dhameystiro dib u eegista lagu sameynayo.

Guddiga ayaa hore u soo dhameystiray ilaa iyo 10 cutub kuwaas oo loo gudbiyay baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Warar kale oo la xiriira