Baarlamaanka Warar 

Guddiga KMG ah ee diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka oo kulamo la qaatay dhalinyada iyo bulshada rayidka

Guddoomiyaha Guddiga KMG ah ee diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka xildhibaan Cabdullahi Abuukar Xaaji (Eng.Carab), ayaa shalay guddoomiyay kulan u dhaxeeyay Guddiga iyo qaar ka mid ah ururadda bulshada rayidka Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa sidii ay ururada bulshada rayidka ay guddiga KMG ah ee diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka ugu soo gudbin lahaayeen aragtiyadooda ku aadan sharciga doorashooyinka Qaranka.

Xubnihii ka socday ururada bulshada rayidka Soomaaliyeed ayaa guddiga usoo bandhigay aragtiyadooda ku aadan sharciga doorashooyinka Qaranka ee horyaalo Golaha shacabka.

Dhanka kale Guddiga KMG ah ee diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka ayaa la kulmay ururada dhalinyada gobalka Banaadir ka jiro.

Kulanka ayaa ahaa sidii ay ururada dhalinyarada ay guddiga ugu biirin lahaa aragtiyadooda ku saabsan sharciga doorashooyinka Qaranka.

Madaxdii ka socotay ururada dhalinyarada ka jira gobalka Banaadir ayaa guddiga usoo bandhigay qodobo muhiim ah oo ku aadan sharciga doorashooyinka Qaranka.

Qodobadii ugu weynaa ee looga hadlay kulanka ayaa waxaa kamid ahaa nooca doorasho ee Soomaaliya ka dhici karta, haddii la waayo doorasho qof iyo cod ah iyo haddii dhallinyadda ay la socdaan ee diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka.

Qaar kamid ah qodobada ku jira sharciga loo diyaarinayo doorashooyinka Qaranka ayaa ka qeyb-gallayaashu ay sheegeen in uu ka hor imaanyo Dastuurka dalka.

Tan iyo markii la magacaabay guddiga KMG ah ee diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ee Golaha shacabka waxa ay kulamo la yeelanaayeen qeebaha kala duwan ee bulshada si ay ugu kuur galaan aragtidooda ku aadan sharciga Doorashooyinka Qaranka.

Warar kale oo la xiriira