Baarlamaanka Warar 

Xildhibaan Maxamed Ganey “Ururka Al Shabab argagixisanimadiisa iyo argagixisada ay Qaramada Midoobay aqoonsan tahay labo ayey kala yihiin”

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo taageero ka heleysa dalal badan oo Yurub iyo Maraykanka ah ayaa ka hortimid in Al-shabaab lagu daro liiska Argagixisada ee Golaha ammaanka ee qaramada midoobay, waxaana ay tilmaamtay in qaraarka tirsigiisu yahay 1267 uu yahay mid ay gadaal ka riixayaan dowlado shisheeye oo ka soo horjeeda dhaqaalaha lagu bixiyo horumarinta, ammaanka iyo arrimaha bani’aadanimada ee Soomaaliya.

Qaraarkan ayaa soo baxay 15-kii October sanadkii 1999-kii waxaana uu qeexayaa ururada argagixisada caalamka iyo sida loola macaamilayo.

Xildhibaan Maxmed Xasan Idiris oo ka tirsan Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dowladda ku taageeray diidmada ah in Al-shabaab lagu daro liiska argagixisada ee ay aqoonsan yihiin golaha ammaanka ee qaramada midobay.

Xildhibaan Idiris ayaa Kalfadhi ku yiri  “Ururka argagixisanimadiisa iyo argagixisada ay Qaramada Midoobay aqoonsan tahay labo ayey kala yihiin, Al-shabaab in ay aragagixiso yihiin su’aal kama taagna laakiin haddii lagu daro liiska argagixisada ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay u diwaan gashan waxaa ka dhalaneysaa cawaaqib xumo aan laga soo kabsan sababtoo ah waxay horseedeysaa in hantida Ummadda Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan la xalaaleysan karo, dhiiggooda la xalaaleysan karo, in hay’adaha caalamiga ah Soomaaliya aysan keeni karin  wax caawinaad ah.’’

Su’aasha is weydiinta leh ayaa ah haddii ay Soomaaliya diiday in Al-shabaab lagu daro Liiska Qaramada Midoobay horyaalla ee argagixisada saameyn ma ku yeelan kartaa xiriirka ay la leedahay caalamka iyo taageerada ay ka hesho hay’adaha caalamiga ah,  xildhibaan Maxmed Xasan Idiris ayaa Kalfadhi uga jawaabay.

“Saameyn ay ku yeelato iska daaye bal dowladaha Maraykanka, Beljimka, Jarmalka, Faransiiska iyo Poland  ayaa qeyb ka ahaa diidamada la diiday in Al-shabaab lagu daro liiskaas, Sidoo kale hay’adaha caalamiga ah sida USAID ayaa ka hor yimid arrintan”.  Ayuu yiri Xildhibaan Maxmed Xasan Idiris.

Qararkan ayaa la horgeeyey Golaha Ammaanka waxaana codeyn loo qaaday batay wadamada ka soo horjeeda in liiskan lagu daro Al Shabaab taas oo soo afjartay dedaalada loogu jiray in Al-shabaab lagu dari liiska argagixisada ee Golaha Ammaanka ee Qaramada  Midoobay oo ay hor kaceysay dowladda Kenya.

Fatxi Maxamed Axmed,Kalfadhi

Warar kale oo la xiriira