Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa oo ku dhawaaqay inuu musharax u yahay doorashada Galmudug

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed  Xuseen Odawaa oo kamid ah mudenayaaaha Golaha Shacabka  ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee laga so doortay maamul gobaleedka Galmudug ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu yahay musharrax u taagan inuu noqdo madaxweynaha Galmudug.

Munaasabad ka dhacday hotelka Safari ee magaalada Muqdisho ayuu Xildhibaan Odawaa ku faah faahiyay sababaha ku qasbay inuu waqtigan u istaago musharraxa madaxweyne ee maamulka Galmudug.

Waxa uu sheegay in xilligan ay tahay xilligi si hagar la’aan ah loo dhisi lahaa maamul hagaagsan ayna u dhammeytiranyihin heykalkii maamul ee uu xaqa u lahaa,sido kale waxa uu sheegay in maamulka Galmudug uu yahay maamul leh dhul barwaaqo balse aan looga faa’iideysan sidii loo baahnaa.

“Intii aan ahaa wasiirka arrimaha gudaha, dib u hishiisiinta iyo federaalka ee dowladda waxaan ku guleystay hagaajinta xirirka dowladda iyo dowlad gobaleedyada,Waxaan ka xumahay kala qeybsanaanta hadda jirta ee dowladda dhexe iyo dowlad gobaleedyada, ‘’ Waxaan si rasmi ah u ballan qadaya inaan dib u hagaajin doona xirirkaas.’’

Xildhibaan Odowaa ayaa sheegay inuu wax badan ka beddeli doono amniga Galmudug islamarkaana uu dhisi doono maamul loo wada dhan yahay.

Fatxi Maxamed Axmed,Kalfadhi

Warar kale oo la xiriira