Baarlamaanka Warar 

Sanatar Muuse Suudi oo ka hadlay dowlad goboleedyada iyo maqaamka Muqdisho

Muuse Suudi Yalaxow oo kamid ah sanatarada Aqalka Sare ee laga soo doortay maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in maamulka Hirshabeelle uu xuriyad heli doono halka magaalada Muqdisho ay iyana maqaamkeedda heli doonto.

Hadalkan ayuu shalay ka sheegay Sanatarka munaasabad uu shalay musharaxnimadiisa kaga dhawaaqay xildhibaan Cabdiraxmaan Xuseen Odowaa oo u tartamaya madaxweynaha Galmudug.

‘’ Maamul goboleedyada qaarna waa xur qaarna xurnimada loo diidan yahay, ‘’ Haddii Galmudug xuroobo,Hirshabeellena way xuroobi doonta Muqdishana maqaamkeeda ayay heli doontaa,’’ ayuu yiri Sanatarka.

Xiriirka ka dhaxeeyay xukuumadda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada ayaa hoos usii dhacayay sanadihii ugu dambeeyay iyada oo ay maamul goboleedyada dowladda ku eedeynayen fargelin.

Warar kale oo la xiriira