Ciidamada amaanka dowladda fadaraalka ah ee soomaaliya ayaa garoonka diyaaradaha ee magalada Muqdisho ee Adan Cadde ku xiray wasiirka amniga ee dowlad gobaleedka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur( Janan).
Ciidamada ayaa wasiir janan xiray isaga oo la socday diyaarad kusii jeedda caasimadda Adis Ababa ee dalka Itoobiya oo ku hakatay magaalada Muqdisho.
Golaha wasiirada maamulka Jubbaland ayaa shir deg deg ah ka yeeshay xarigga wasiirkooda amniga ee lagu xiray magaalada Muqdisho,waxaana ay war saxaafadeed kaso saareen xarigga wasiir Cabdirashiid janan oo dowladda Soomaliya u xiran iyagoo war saxaafadeedkooda ku dalbaday in dowladdu ay dhowrto xeerka iyo shuruucda dalka u yaalla.
Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris oo kamid ah mudenayaasha golaha shacabka ee laga soo doortay Jubbaland ayaa sharci darro ku tilmaamay xarigga wasiirka amniga maamul gobaleeedka Jubbaland isaga oo yiri dowladda waxa ay ku tumaneysa shuruucda .
“Taariikhdu markii ay aheyd 30ka bishii April ee sanadkan warqad kasoo baxday guddoomiyaha maxkamadda gobalka Banaadir kuna socotay hoggaanka barista danbiyada ee CID (qeybta Inter Bol) ayaa lagu burriyay amarka soo qabasho iyo hor keenid maxkameed oo horey uga so baxday maxkamadda gobalka Banaandir uuna codaday xeer ilaaliyaha guud ee qaranka,wasiir Cabdirashiid Xasan madama uu xafiiska xeer ilaaliyuhu xiray gal dacwadeedkiisii si wafaaqsan sharciga”
Sidoo kale xildhibaan Idiris ayaa Kalfadhi u sheegay in laga rabo dowladda iney u hoggaansanato sharciyada ay dowladnimadeennu leedahay.
Ugu danbeyn walaac xooggan ayuu ka muujiyay xildhibaanku waxyaabaha ka dhalan kara tallaabadan iyo kuwa lamidka ah.
“Haddi aysan dowladdu joojin tallaabooyinkan iyo kuwa lamidka ah oo aysan ixitiraamin sharafta iyo muwaadinimada qofkasta oo Soomaali ah gaar ahaan dadka mas`uuliyiinta ah waxa aan shaki ku jirin in dib loogu laabanayo xaalado xun oo aan horey uga soo gudubnay haddii aan nahay dadka Soomaaliyeed” ayuu raaciyay hadalkiisa xildhibaan Maxamed Xasan Idiris.
Fatxi Maxamed Xasan,Kalfadhi.