Baarlamaanka Warar 

Guddiga Golaha Shacabka u xil-saaran diyaarinta Sharciga Doorashooyinka oo Baydhabo kulamo kula leh Golaha Wasiirrada

Guddiga Golaha Shacabka u xil-saaran diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Qaran oo shalay gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta ku-meel-gaarka maamulka Koonfur-Galbeed, ayaa maanta xarunta Golaha Wakiilada Dowlad Gobolleedka Koofur Galbeed kulan kula qaatay Golaha Wasiirrada Dowlad Gobolleedka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Kulanka Golaha wasiirada iyo Guddiga ayaa maanta ku saabsanaa sidii uu Guddiga u dhageysan lahaa tallooyinka iyo fikirada Golaha Wasiirada ee ku aaddan diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Qaranka.

Dhinaca kale, Guddiga Golaha Shacabka u xil-saaran diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta kulankoodii labaad la qaartay Ururada Bulshada Rayidka si ay uga dhageystaan tallooyinkooda iyo fikirkooda ku aaddan diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Qaranka, madaama sharcigan uu ka khuseenayo meelo badan.

Guddiga ku-meel-gaarka ee soo diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Qaranka ayaa xalay la kulmay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur-galbeed Mudane Cabdi-casiis Xassan Maxamed laftagareen Iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfurgalbeed.

Faah-faahinta kulamada halkan kala soco…

Warar kale oo la xiriira