Sanatar Bukhaari oo ka hadlay xayiraadda duulimaadyada magaalada Kismaayo

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha Aqalka Sare mudane Abshir Abshir Maxamed Axmed oo kamid ahaa mudenayaasha labada aqal ee baarlamaanka ee ka qeybgalay xiritaanka shirkii Magaalada Hobyo ayaa hadal uu ka jeediyey gunaanadka shirkasi uga hadlay arrimo ku saabsan dhismaha dekadda Hobyo ,arrimaha Jubbaland  iyo dhismaha maamulka Galmudug .

Sanatar Bukhaari ayaa ku baaqay in wada hadal lagu dhameeyo khilaafka u dhaxeeya xukuumadda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland.

“Waxaan ugu baaqayaa dowladda federaalka Soomaaliya in ay xayiraadda duulimaadka ka qaado dowlad goboleedka Jubbaland iyadoo wax alla wixii khilaaf ah ee jira lagu dhameynayo wada hadal iyo wada xaajod ilamarkaana laga fogaanayo wax walba oo caqabad ku noqon kara nolosha dadka deegaanada Jubbaland”. ayuu yiri sanatar Abshir Bukhaari.

Dhinaca kale, guddoomiye Abshir Bukhaari ayaa ka hadlay muhiimada dhismaha dekadda magaalada Hobyo.

“Dhismaha dekadda Hobyo waxay muhiim u tahay ganacsiga iyo dhaq dhaqaaqa deegaanada Galmudug, haddii la dhiso Dekadda Hobyo waxaa is badeli doona qiimaha nolosha dadka, waxaa abuurmi doona fursado shaqo taas oo yareyn doonta shaqo la’aanta baahsan ee aqoon yahanka iyo muruq maalka Galmudug.”

Fathi Maxamed Ahmed,Kalfadhi

Warar kale oo la xiriira