Baarlamaanka Warar 

Senator Abshir Abshir Bukhari “Waxaan rabaa in Galmudug laga dhigo 12-qabiil”

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha Aqalka Sare mudane Abshir Abshir Maxamed Axmed, oo xalay khudbad ka jeediyay furitaanka shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug, ayaa sheegay in dadka barakacayaasha ee ku nool deegaannada Galmudug la siiyo metelaad.

“Galmudugta la dhisayo oo la yiri waa 11-qabiil, waxaan rabaa in aan fursadan uga faa’iideysto in Galmudug laga dhigo 12-qabiil. Qabiilka 12-aad waa dadka barakacayaasha ah ee ku nool deegaanka Galmudug, kuwaas oo tiradooda ay gaareyso 90-kun oo qof” ayuu yiri.

Dhinaca kale waxaa uu sheegay in dadka barakacayaasha ah ee jooga dalka Soomaaliya in lagu qiyaasay hal milyan iyo bar. Meel kasta oo ay barakacayaasha ay joogaan waa in ay helaan metelaad, gaar ahaan maamul-gobolleedyada. Waxaan ku goobaabinayaa Galmudug in ay iyadu bilowdo.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Dhuusamareeb si rasmi ah uga furay shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo ay ka qayb gelayaan ergo meteleysa dhammaan reer Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha oo wasaaradda arrimaha gudaha iyo guddiga qaban-qaabada shir-weynaha uga mahad celiyay dadaalkii dheeraa ee ay u galeen isu keenidda bulshada Galmudug, ayaa sheegay in shirkaani uu gogol xaar u yahay dhismaha Galmudug loo dhanyahay oo ka shaqeynsa danaha reer Galmudug kana qayb qaadata horumarka guud ahaan dalka.

Warar kale oo la xiriira