Baarlamaanka Warar 

Xildhibaan Odowaa oo maanta tagaya magaalada Dhuusamareeb

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa oo ah musharax u tarmaya doorashada xilka madaxtinimo ee Galmudug ayaa maanta tagaya caasimada maamulkasi ee Dhuusamareeb,sida ay Kalfadhi u xaqiijiyen ilo lagu kalsoon yahay.

Musharax Odowaa ayaa galabta taageerayaashiisa kula hadli doona garoonka kubadda cagta ee magaalada Dhuusamareeb.

Xildhibaan Odowaa ayaa 31-kii bishii Agoosto ku dhawaaqay in uu musharax u yahay doorashada Galmudug.

Xukuumaddii madaxweyne Xasan sheekh Maxamuud ayaa ka soo noqday xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa wasiirkii arrimaha gudaha iyo federaalka.

Warar kale oo la xiriira