Baarlamaanka Warar 

Madaxa xukuumadda Galmudug oo Dhuusamareeb kula kulmay Xildhibaan Fiqi iyo musharax Odawaa

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo ah musharax maadxweyne oo u taagan hoggaanka maamul-Goballeedka Galmudug iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya oo uu kamid yahay Xildhibaan Axmed Macalin (Fiqi), ayaa xalay hoygiisa ugu tegay madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir.

Kulanka oo ka dhacay magaalada Dhuusamareeb, ayaa labda dhinaca waxaa ay ka wada hadleen arrimaha ammaanka, dib-u-heshiisiinta iyo dooraashada la filayo in dhowaan ay ka dhaco halkaasi.

Kulanka labada dhinac, ayaa waxaa uu yimid xili gelinkii dambe ee shalay Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo ah musharax maadxweyne oo u taagan hoggaanka maamul gobaleedka Galmudug uu taageerayaashiisa kula hadlay magaalada Dhuusamareeb, halkaasi oo lagu qaban doonno doorashada madaxtinimada ee maamulka Galmudug.

Faah-faahinta kulanka halkan kala soco dhawaan….

Warar kale oo la xiriira