Baarlamaanka Warar 

Daahir Amiin Jeesow oo sheegay in Axmed Madoobe dacwad laga geeyay maxkamadaha dalka

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlay xaalada magaalada Kismaayo iyo maamulka Axmed Maxamed Islaam (Madoobe).

Jeesow ayaa warbaahinta maxaliga u sheegay in toddobo kiis oo dacwo ah laga gudbiyay madaxweyne Axmed Madoobe.

‘’ Toddobo kiis oo dacwo ah ayaa Axmed Madoobe kaa yaalla Maxkamada Sare iyo maxkamadaha kale ee dalka .’’

Xildhibaan Jeesow ayaa kamid ah masuuliyiinta sida xoogan uga soo horjeeda madaxweynaha maamulka Jubbaland.

Warar kale oo la xiriira