Baarlamaanka Warar 

Senator Qaybdiid “Haddii Galmudug ay toosto, Soomaaliya wey haggaageysaa”

Gudoomiyaha gudiga dastuurka ee Aqalka Sare ee Baarlamanka Soomaaliya Senator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid, iyo xildhibaanno kale ayaa gelinkii dambe ee shalay ka qeyb-gallay munaasabad uu Kamaal Guutaale, ku shaacinayay musharaxnimadiisa madaxtinimada ee maamulka Galmudug.

Senator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid oo khudbad ka jeedinayay munaasabada ayaa ka hadlay hormaka iyo dhibaatooyinka ka jira deegaannada Maamulka Galmudug, halkaasi oo dhawaan lagu qaban doorashada madaxtinimada ee maamulkaasi.

“Galmudug waxaa ay leedahay sifooyin aan laheyn meelaha kala ee Soomaaliya, waxaa ku nool qeybaha Soomaaliyeed ee 4.5-ka la yiraahdo cid ka maqan ma jirto. Galmudug waxaa ganacsi ku leh kumaan ka mid ah beelo kasoo jeeda deegaanada koonfur Galbeed, taasi waxaa ay ku tuseysaa in ay tahay meel dhaqamo badan ay ka jiraan”, ayuu yiri.

Dhinaca kale waxaa uu sheegay haddii Galmudug ay toosto in sidoo kale Soomaaliyana ay haggaageyso, sida uu hadalka u dhigay. Kamaal Guutaale, ayaa waxaa uu kamid noqonayaa musharaxiinta u taagan doorashada maamulkaasi.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo xalay soo xiray Shirka Dib-u-heshiisiinta Galmudug ayaa ku dhawaaqay in loo gudbay wajigii labaad ee qorshaha dhammaystirka dhismaha maamul mideysan oo hana qaada, kana tarjuma hiigsiga iyo himilada bulshada Deegaannada Galmudug.

Dhawaan ayaa la filayaa in magaalada Dhuusamareeb lagu qabto doorashada maamulka Galmudug.

Warar kale oo la xiriira