Xildhibaanadda Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku guda jira fasaxa labada bil ah ee Golaha shacabka,mudenayaasha qaar ayaana booqdaay deegaanadii laga soo doortay.
Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo lahadlay kalfadhi ayaa sheegay in fasaxaan uu ahaa kii ugu badnaa ee Xubnaha labadda Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ay ku laabtaan degaanadooda
“Xildhibaanadda ugu badan ayaa ku laabtay degaanada Maamuladda Galmudug, Puntland, iyo Koonfur-Galbeed,” ayuu yiri Xildhibaan Dalxa.
Xildhibaanka ayaa sheegay in Xildhibaanadda golaha shacabka iyo mudenayaasha aqalka sare, ay qaateen door muhiim ah marka loo eego dedaaladda nabadda iyo dib uheshiisiinta Galmudug
“Ra’iisul Wasaare Khayre meelkasta oo uu ka tagay Galmudug iyo Koonfur-Galbeed waxaa garab taagnaa Xildhibaanadda degaanadadaasi .”
Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa dhanka kale ku amaanay xukuumadda Soomaaliya kaalinta ay ka qaadatay in dib loo dhiso Maamulka Galmudug, oo ah maamul galay xiisad adag oo dhanka siyaasadda ah.
Sidoo kale Xildhibaan Sakariye Gaashaan, ayaa kalfadhi u sheegay in fasaxaan uu ahaa kii ugu horreeyay ee ay tagaan isaga iyo Xildhibaano kale tuulooyin iyo dagmooyin fog fog oo ay dagaal uga qaxeen dadkii dagnaa.
“Waxaan tagnay deegaano dadkii daganaa ay naftooda kala carrareen.”
Cabdicasiis Really,Kalfadhi