Baarlamaanka Warar 

Maxaa looga hadlay kulankii Guddiga diyaarinta sharciga doorashooyinka ee Baarlamaanka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir?

Guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ee Golaha Shacabka ayaa Galabtaellinkii dambe ee shalay kulan la qaatay guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamud Maxamed {Cumar Filish}.

Kulanka guddoomiyaha iyo guddiga waxaa uu ka dhacay xarunta Guddoonka iyo Guddiyadda ee Villa Hergeysa.

Kulanka guddiga ay la yeesheen guddoomiyaha gobolka Banaadir waxaa shir gudoominaayay guddoomiyaha guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ee Golaha Shacabka Xildhibaan C/laahi Abuukar Xaaji {Eng.Carab}.

Maxaa looga hadlay kulanka?

Xildhibaan Axmed Xaaji Maxamed Taaw, oo ah xoghayaha guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka, ayaa Kalfadhi u sheegay in u-jeedka ugu weyn ee kulanka guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdishu, uu ahaa in laga dhageysto tallooyinkiisa ku aadan sharciga doorashooyinka oo ay haatan soo diyaarintiisa ay guddigaan gacanta ku hayaan.

Guddoomiyaha oo ku cusub xilka Gobolka Banaadir, ayaa guddiga ka codsaday in fursad loo siiyo soo aqrinta sharciga iyo in uu soo sameeyo la tashi ku aadan dhinaca sharciga, kaddibna uu tallooyin ka bixin doono sharciga.

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir, ayaa si weyn usoo dhoweeyay tallooyinka guddiga uu ka raadinayo bulshada iyo siyaasiyiinta kaas oo looga foggaanayo in muran kale uusan gelin sharciga diyaarintiisa ay hadda socoto, sida xildhibaan Taaw uu sheegay.

Kulanka miyaad looga hadlay arrimo la xiriira maqaamka Mogadishu?

Xildhibaan Axmed Xaaji Maxamed Taaw, xoghayaha guddiga ayaa sheegay, in shaqadda guddiga uu ku xeen-daabanyahay, soo diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka, sidaasi darted waxaa uu sheegay in kulanka aan lagu soo qaadan wax ku saabsan maqaamka Mogadishu ama arrimo kale oo la xiriira.

“Maalmihii lasoo dhaafay kulamo wada tashi aha ayaan ka wadnay Magaalada Mogadishu iyo Gobollada dalka, waxaan sidoo kale la kulanay ururada Bulshada rayidka iyo saamileyda siyaasada, axzaabta iyo haweenka, sidaasi darted waxaa noo harsanaa in aan la kulano duqa Mogadishu si aan tallooyinkiisa u dhageysano. Balse Guddoomiyaha ayaa tallooyinkii kula soo laaban doonno guddiga dhawaan”, ayuu yiri.

Guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka, ayaa bilihii lasoo dhaafay waxaa ay kulamo wada tashi ah ay ka wadeen dalka Soomaaliya.

Warar kale oo la xiriira