Baarlamaanka Warar 

Xildhibaan Maxamuud Cali Magan “Dalkeyga beec ma ahan, dadkiisuna badeeco ma ahan”

Xildhibaan Maxamuud Cali Magan, oo ka tirsan Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, oo shalay kamid ahaa xildhibaanno shir jaraa’iid ku qabtay magaalada Muqdishu, ayaa si weyn taageero ugu muujiyay dowladda, kaddib go’aankii ay ku xayirtay diyaarad magaalada Kismaayo u qaadi laheyd, madaxweynihii hore ee dowladdii-kumeel-gaarka Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Xildhibaan Magac, oo kamid ah mudanayaasha laga soo doortay deegaannada Jubbooyinka, ayaa sheegay in siyaasiga laga doonayo in uu dadka u cadaalad fallo, oo haddii shalay la dulmay ay maanta yiraahdaan ma doonayo in mar kale la dulmo shacabka.

Waxaa uu sheegay in wax laga xumaado ay tahay in madaxweynayaal hore dalka usoo maray in maanta ay aadaan Kismaayo oo aan doorasho ka dhicin. Sidoo kale waxaa uu yiri “Dalkeyga beec ma ahan, dadkiisuna badeeco ma ahan”.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa dhalleeceeyey dawladda Soomaaliya kadib markii laga hor-istaagay in diyaaraddii uu raaci lahaa ay u safarto magaalada Kismaayo.

Shariifka ayaa doonayey inuu ka qayb-galo caleemo-saarka hoggaamiyaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Shir jaraa’iid oo uu shalay ku qabtay magaalada Muqdisho, ayuu ku sheegay in go’aanka lagu xayiray uu ka hor-imanayo xadgudubna ku yahay xoriyadda socdaalka ee muwaadinka.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in xukuumadda talada haysa ay waddo khaldan ku waddo dalka, loona baahan yahay in laga bad-baadiyo.

Warar kale oo la xiriira