Baarlamaanka Warar 

Guddoomiye Muudey “Muqdisho yaan laga shaqeysanin, ee haloo shaqeeyo”

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha Shacabka Soomaaliya, Wasiirka Warfaafinta, Wasiirka Caddaaladda, xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka , xildhibaanno ka tirsan Labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya, Taliyeyaal Ciidan, Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida, xubno ka socday maamulka Gobolka Banaadir iyo ganacsato, ayaa ka qeyb-gallay munaasabad lagu daah-furayay Wakaaladda horumarinta dhismaha Soomaaliyeed.

Mudane Muudey, oo khudbad ka jeediyay munaasabada ayaa ka hadlay ahmiyada iyo waajibaadka saran ummadda Soomaaliyeed ee ku aadan dib-u-dhiska dalka gaar ahaan caasimada Muqdishu.

“Muqdishu yaan laga shaqeysan ee haloo shaqeeyo, marka aan u shaqeyno Muqdishu, oo ay quruxdeeda soo baxdo, kaddib ayaan annagana wax noqoneynnaa. Dalka waxaa uu u baahan yahay dib-u-dhis xooggan iyo in lagu soo kordhiyo dhismooyin cusub oo la jaan-qaada wakhtigan casriga ah”, ayuu yiri.

Barnaamijka is-xilqaan ee lagu dhisaayo goobaha danta guud, halagu daro in masjidna la dhiso.  ayuu yiri.

Ugu dambeyn, Gudoomiye ku Xigeenka -aad ee golaha Shacabka Soomaaliya Mudane; Cabiweli Sheekh Ibraahim Muuddeey ayaa  geba-gebadii daah-furayay dib u howl-gelinta Wakaaladda horumarinta dhismaha Soomaaliyeed oo ku bur-burtay dagaalladii sokeeyee ee Dalka ka dhacay.

Warar kale oo la xiriira