Baarlamaanka Warar 

Xildhibaan Maxamuud Diiriye oo ka hadlay saameynta xayiraada-duullimaad ee Jubaland

Xildhibaan Maxamuud Diiriye Muuse, oo kamid ah xildhibaannadii doortay madaxweyne Axmed Madoobe, oo ka hadlayay xayiraada dhinaca duullimaad ee ay dowladda saartay Jubaland, ayaa sheegay in go’aankaasi uu saameyn weyn ku yeesha dalka reer Jubaland, sida uu hadalka u dhigay.

“Xayiraadii dowladda federaalka ay saartay Jubaland, waxaa ay saameyn xooggan ku leeyahay dadka tabaaleysan ee ku nool Jubaland, gaar ahaan magaalada Kismaayo. Waxa ugu horreysa waxaa waaye dhanka isku-socodka oo aad  u adkaaday, waddooyinka oo xun iyo nabad-gelya darrada awgeed dadka markii hore keliya waxaa ay isticmaali jireen diyaaradaha”, ayuu yiri.

Xildhibaanka sidoo kale waxaa uu sheegay in dadka, gaar ahaan haweenka iyo dadka waayeelada ah aad ayey ugu dhib-qabaan xayiraada.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa bishan soo saartay amar ku aadan tegitaanka Magaalada Kismayo ee Jubaland.

Maamulka hey’adda Duulista Hawada Soomaaliya ayaa amar ay soo saarta ku sheegtay in gebi ahaanba la hakiyay duulimaadyadii diyaaradaha ay ku tagi jireen Magaalada Kismayo ee Jubaland.

Go’aankan ayay hey’addu sheegtay in uu dhaqan galay taariikhdu markii ay aheyd 23 Sabtemabr illaa 26 Sabtemabr 2019.

Warar kale oo la xiriira