Aragti Baarlamaanka Warar 

Xildhibaan Cabdi Cali oo ku-dhaliillay Guddoonka in ay ka gaabiyeen shaqooyinkooda iyo awoodooda

Xildhibaan Cabdi Cali oo ka mid ah golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa guddoonka golaha shacabka ku dhaliilay in ay ka gaabiyeen shaqooyinkooda, gaar ahaan kor-meerka iyo kor-joogteynta mudanayaasha Baarlamaanka. Xildhibaanka ayaa aaminsan in guddoonka aysan fahansaneyn in ay awood u leeyihiin kor-joogteynta xildhibaannada. “Labada mar ee aad na kor-joogteyn kartaan ee aad awooda u leedihiin waa, marka aan kulanka fadhino oo ku saabsan kooramka oo ku saabsan maxaa laga yeelayaa haddii xildhibaannada ay imaan waayaan kulanka, midda labaad ayaa ah marka guddiyaddu ay shaqeynayaan”. Labadaasi awoodood ma isticmaashaan taasina…

Akhriso Faahfaahinta
Aragti Baarlamaanka Warar 

Golaha shacabka oo maanta meel-mariyay sharciga Furdooyinka iyo Sharciga iibka Qaranka

Kulanka mudanayaasha Golaha Shacabka Barlamaanka Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu Shir Guddoominaya Guddomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa maanta lagu qabtay xarunta Villa Hargeysa, waxaana kulanka uu ahaa kulankodii 6aad kalfadhigiisa 6aad ee Golaha Shacabka. Mudanayaasha ayaa ugu horeyn dood ka dib meelmariyay Sharciga iibka Qaranka, waxaana ogolaatay 133 xildhibaan, labo Xildhibaan ayaa diiday halka afar mudane ay ka aamuseen meel marinta sharcigan. Sidoo kale mudanayaasha ayaa ansaxiyay sharciga Furdooyinka waxaana ogolaatay 134 waxaa diiday Shan Xildhibaan, Sedexna way ka aamustay. Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Maxamuud Xayir…

Akhriso Faahfaahinta
Aragti Baarlamaanka Warar 

Guddiga joogtada ah ee Golaha shacabka oo ku baaqay talaabo deg-deg ah oo loogu gurmanayo dadka fatahaadahu ay saameeyen

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa 29-kii bisha shir guddoomiyay kulanka Guddiga joogtada ah ee Golaha oo looga hadlay qorshe u sameynta sidii loogu gurman lahaa dadka ay dhibaatada kasoo gaartay fatahaada wabiga Shabeelle uu ka geystay gobolka Hiiraan iyo daadadka ku rogmaday Degmada Berdaale ee Gobolka Baay. Kulanka oo ay sidoo kale ay joogeen Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey iyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad, waxa ay xubnaha Guddiga joogtada…

Akhriso Faahfaahinta
Aragti Baarlamaanka Warar 

Guddoomiyeyaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo Muqdishu uga qeyb-gallay maalinta Qaranka dalka Turkiga

Xarunta Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho ayaa gelinkii dambe ee shalay waxaa lagu qabtay Xuska 29-ka October oo ah maalinta Qaranka dalka Turkiga oo sanad walba marka la gaaro 29-ka October la xuso. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheeekh Cabdiraxmaan, Guddoomiyaha golaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaaahi iyo mas’uuliyiin kale oo ay ku jiraan wasiiro iyo Xildhibaano ayaa ka qeyb-gallay xuska maalinkan. Ugu horeyn safiirka Turkiga ee Soomaaliya oo munaasabada ka hadlay ayaa ka hadlay muhiimada maanta oo kale ay…

Akhriso Faahfaahinta
Baarlamaanka Sharciyo La Ansixiyay Warar 

Maxaa kala socotaa Sharciga Tirakoobka Qaranka ee uu meel-mariyay Golaha shacabka?

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa 28-kii bisha Oct meel-mariyay Sharciga Tirakoobka Qaranka, sida uu sheegay Guddoomiye Mursal. Sharcig ayaa horay waxaa loogu soo-sameeyay wax ka bedel, kaddib markii Baarlamaanka uu dib u celiyay. Waxaa shalay uu sharcigu maray akhrintii saddexaad ka hor inta aysan ansixinin xildhibaannada. Meelaha wax-kabedelka lagu sameeyay waxaa kamid ah in magaca Golaha hay’adda tirakoobka, lagu bedelay golaha maamulka iyo hay’adda tirakoobka Qaranka. Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Mohamed Mursal Sheikh Abdirahman, ayaa ku dhawaaqay natiijada codeynta Sharciga Tirakoobka Qaranka, waxaana uu sheegay…

Akhriso Faahfaahinta
Baarlamaanka Sharciyo La Ansixiyay Warar 

Golaha Aqalka Sare oo ansixiyay sharciga Xuquuqda siyaasiyiinta Dowladda

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliy ayaa maanta oo Axad ah ku yeeshay xarunta Aqalka Sare Kalfadhiga 6aad kulankiisa 6aad, kaas oo ay ajandayaashiidu ay kala ahaayen, Akhrinta 1aad ee Hindise-Sharciyeedka Shidaalka(Batroolka) iyo Akhrinta 3aad ee Hindise-Sharciyeedka Xuquuqda siyaasiyinta Doowlada. Kulanka waxaa soo xaadiray 32 Senatar, waxaana kulanka shir Gudoomiyay Guddomiyaha Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya Senatara Cabdi Xaashi Cabdullahi. Waxaa sidoo kale goob-joog ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Aqalka Sare Senatar Abshir Maxamed Axmad iyo Guddomiye Ku-Xigeenka 2aad Senatar Moowlid Xuseen Guhaad. Wasiirka Batroolka XFS…

Akhriso Faahfaahinta
Aragti Baarlamaanka Sharciyo La Ansixiyay Warar 

Maxaad uga baahantahay in aad ka oggaato sharciga Maamulka Dakhliga ee uu saxiixay Madaxweyne Farmaajo?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa 26-ka bishan Oct saxiixay sharciga Maamulka Dakhliga oo qeyb ka ah dhammeystirka hannaanka Maamul-wanaagga iyo hufnaanta Maaliyadeed ee dalka Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdulkahi Farmaajo oo ka hadlay Munaasbada lagu soo bandhigayey Saxiixa Sharcigan ayaa yiri “Sharcigani waxa uu ku saabsan yahay maamulka dakhliga waana Sharci la jaan-qaadaya nidaamka casriga ah ee ururinta dakhliga. Qodobbada uu ka hadlayo sharcigan waxaa ugu muhiimsan bixinta canshuurta iyo sidii loola macaamili lahaa canshuur bixiyaha”. Madaxweynaha ayaa Golaha Shacabka iyo Guddiga Miisaaniyada, Maaliyadda, Qorshaynta Iyo…

Akhriso Faahfaahinta
Aragti Baarlamaanka Warar 

Guddoomiye Cabdi Xaashi “Hadda kaddib Senator-kii maqnaada warqad ayaan ka qoreynnaa”

Fadhigii xildhibaannada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta u baaqday kooram la’aan, sida uu sheegay guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi. Guddoomiyaha ayaa sheegay in mudanihii maqnaada maanta kaddib, in qoraal ay ka sameyn doonaan, Guddoomiyaha ayaa hadalkiisii sii raaciyay in ixtiraam badan ay sameeyeen, oo ay wax xun la aheyn in ay yiraahdaan Senator ayaa kullanka ka maqnaa maanta. “Laakiin hadda kaddib, haddii ay joogto noqoto maqnaanshaha Senatarada, oo aan xil la isa-saarin waa arrin lagama-maar-maan ah in Senatarkii maqnaada warqad laga qoro. Markii hore waxaan ku…

Akhriso Faahfaahinta
Aragti Baarlamaanka Warar 

Imisa sharci ayuu ka kooban-yahay sharciga Furdooyinka?

Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka Baarlamaanka Jumhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Maxamuud Cabdulaahi Siraaji, ayaa shalay Xildhibaanada Golaha Shacabka hor-geeyay Akhrinta 2aad ee Sharciga Furdooyinka. Sharcigan ayaa waxaa uu ka koobanyahay labo sharci, kuwaas oo muhiimad weyn u leh dalka Soomaaliya, 1- sharci number one, waxaa uu soo baxay 31-kii bishii Maaj sanadkii 1961. Sharci number shan, kaas oo isagana soo baxay bishii December ee sanadkii 1968-dii. Labadaasi sharci oo la isku daray ayuu ka koobnaa sharciga Furdooyinka, qodobo kamid ahaa sharcigii hore ee furdooyinka ayaa lagu daray sharciga maamulka…

Akhriso Faahfaahinta
Aragti Falanqeyn Warar 

Abshir Bukhaari oo ku dhaliilay Xukuumadda ka jawaabid la’aanta dhibaatada Fataahada Wabiga Shabelle

Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka Sare Senator Abshir Bukhaari ayaa sheegay inuu aad uga walwalsan yahay xaalada murugada leh ee bani’aadanimo ee ka dhalatay fatahaada wabiga Shabeelle, kaasoo saameeyay kumanaan qoysas oo ku sugan magaalada Beledweyne. Qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay ayuu Guddoomiye Abshir ku sheegay in Xukuumadda ay mudnaan gaar ah siiso arrimaha siyaasadda iyo maamul goboleedyada, halkii laga rabay inay fiiro gaar ah siiso ka hortagga iyo ka jawaabid la’aanta musiiibooyinka dabiiciga ah. Halkan hoose ka akhriso: KA HORTAGGA IYO KA JAWAABIDDA MUSIIBOOYINKA DABIICIGA AH Waxaan aad…

Akhriso Faahfaahinta