Baarlamaanka Warar 

Madal ay ku mideysan yihiin Xisbiyada Siyaasadda oo maanta looga dhawaaqay Muqdisho

Madaxda xisbiyada siyaasadda ee dalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku yeeshay magaalada Muqdishu kaga dhawaaqay madal ay ugu magac-dareen “Madasha Xisbiyadda Dalka.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sh. Axmed oo hadda ah hoggaamiyeyaasha xisbiyo siyaasadeed iyo xildhibaanno labada gole ee Baarlamaanka ayaa ka qeyb-gallay kulanka.

Xisbiyada ku dhawaaqay Isbaheysiga cusub ayaa waxaa ka mid ah Xisbiyada Wadajir, Himilo Qaran, UPD, Ilays iyo kuwa kale, waxaana ay soo saareen bayaan wadajir ah.

Mudanayaasha ayaa intii uu kulankooda socday waxaa ay ka hadleen xaaladda siyaasadda ee dalka, waxaana kulankooda looga dhawaaqay “Madal ay ku mideysan yihiin Xisbiyada Siyaasadda, waxaana Afhayeen KMG loogu magacaabay Xildhibaan hore C/latiif Muuse Nuur (Xildhibaan Sanyare).

Mid kamid ah u-jeeddooyinka loo sameeyay madasha ayaa waxaa ay ku shegeen in ay tahay in xisbiyadda Siyaasadda ay talo mideysan ka yeshaan xaaladdaha dalka Soomaaliya.

Dadka odorasa siyaasadda ayaa sheegaya in mowjadaha siyaasadeed ee uu dalku galay ay hordhac u yihiin doorashada sanadka 2020/21 oo ay muuqato in xooggaga siyaasadda Soomaaliya ay aad ugu loolamayaan.

Warar kale oo la xiriira