Baarlamaanka Warar 

Guddoonka Baarlamaanka oo shaaciyay maalinta uu furmayo Kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka

Kalfadhiga 6aad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa furmi doonna 9-ka bishan Octoober oo ku began maalinimadda Arbacada ah.

Xoghayaha guud ee golaha shacabka Mudane C/kariim Xaaji Cabdi Buux, ayaa ugu baaqay xildhibaannada Golaha shacabka ee dalka ka maqan  in ay dalka dib ugu soo noqdaan ugu dambeyn 7da bisha Oktoobar, diyaarna ay u noqdaan xil-gudashada uga began Kalfadhiga 6aad ee Golaha Shacabka.

C/kariim Xaaji Cabdi Buux, ayaa sidoo kale sheegay in 9-ka bisha uu sidoo kale furmi doono kullamadda Aqalka sare ee Baarlamaanka.

Kalfadhiga 6-aad ee golaha shacabka ee Baarlamaanka dowladda Federaalka ee Soomaaliya, oo lagu waday in uu furmo 27-kii bishii Sept, ayaa dib-u-dhac  uu ku yimid. Xeer-hoosaadka Baarlamaanka ayaa dhigayaa in mudanayaasha Baarlamaanka ay leeyihiin afar-bilood oo shaqa ah iyo laba-bilood oo fasaxa ah.

Waa maxay sababta ugu weyn ee kulanka baajisay?

Qaar kamid ah xildhibaannada Baarlamaanka, ayaa waxaa ay ku kala maqanyihiin deegaan-doorashadooda, waxaa sidoo kale jira xildhibaanno dhowr ah oo ku maqan deegaannada Galmudug oo dhawaan ay ka dhici doonto doorasho iyo xidhibaanno ku maqan magaalada Kismaayo, oo iyana xiisado siyaasadeed ay ka taagantahay.

Xafiiska Kalfadhi, ayaa sidoo kale oggaaday in xildhibaanno kale ay wali ku maqanyihiin dalka dibadiisa.

Sidoo kale dalka ayaa isku diyaarinayay in uu marti geliyo shirkii iskaashiga beesha Caalamka iyo dowladda Soomaaliya kaas oo todobaadkii hore lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Muqdishu.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo waajibkiisa dastuuriga ah ay tahay in uu furo kalfadhiyada Baarlamaanka, ayaa ku maqnaa ka qeyb-galka fadhiga 74aad ee Shirweynaha Qaramada Midoobay.

Warar kale oo la xiriira