Baarlamaanka Warar 

Madaxweyne Farmaajo oo maanta furaya kalfadhiga 6aad ee labada aqal ee Baarlamaanka

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta si rasmi ah u furaya kalfadiga lixaad ee Golaha shacabka iyo aqalka sare.

Sida Dastuurka qabo kalfadhiyada Baarlamaanka waxaa fura, Madaxweynaha oo sidookale ka jeediya khudbad uu kala hadlayo xaaladihii ugu dambeeyay dalka.

Kalfadhiga lixaad ee maanta ka furmaya Xarunta Booliska ee Jeneraal Kaahiye, waxaa marti ku ah Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti Maxamed Cali Xaamud oo kalfadhiga lagu casuumay.

Kalfadhiyadii 5aad iyo 4aad ee Golaha shacabka iyo aqalka sare ayaa si gaar gaar ah u kala dhacay iyada oo xilligaas guddoonka labada aqal ay is khilaafsanaayeen.

Dhawaan ayey labada dhinac ka heshiiyeen khilaafkii u dhaxeeyay taas oo hadda suurta gelineysa in Xubnaha labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya maanta isku mar uu furo Madaxwyenaha Soomaaliya.

Khudbadaha laga jeediyo kulanka halkan kala soco.

Warar kale oo la xiriira