Aragti Baarlamaanka Warar 

Guddoomiye Mursal “Xukuumadda waa in si deg-deg ah ay usoo gudbisaa shuruucda nidaamka Doorashooyinka”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursad Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa xukuumadda ku booriyay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay usoo gudbiso shuruucda laga-ma-maar-maan-ka u ah, nidaamka Doorashooyinka Qaranka ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in xukuumadda ay soo gudbisaa sharciyadda ay kamidka yihiin, sharciga jinsiyadda, waxka-bedelka sharciga axzaabta siyaasadda iyo sida waafaqsan qodobka 109 xarafka “A”, “C” iyo qodobka 109 xarafka “B” ee Dastuurka KMG.

“Xukuumadda waa in si daqsi leh ay usoo gudbisaa xubnaha adeega garsoorka iyo Maxkamadda Dastuurka si Baarlamaanka Federaalka ay u ansixiyaan”.

Doorashooyinka Dalka Soomaaliya waxaa la filayaa in ay qabsomaan sanadkan 2020/2011. Doorashadaasi oo ay guddiga doorashooyinka ay shegeen in ay noqon doono Doorasho Qof-iyo-Cod ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursad Sheekh Cabdiraxmaan, hadalkan ka jeediyay furitaankii Kalfadhiga 6-aad ee Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Warar kale oo la xiriira