Baarlamaanka Warar 

Mogadishu oo lagu qabtay kulan looga hadlayay ammaanka Doorashooyinka ee sanadka 2020/2021

Kulan maanta ka dhacay xarunta gudoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa, oo ay ka qeyb-galleen wasiiradda Amniga iyo Gaashaandhigga Maxamed Abuukar Islaaw Ducaale iyo Xasan Cali Maxamed Amardambe, ayaa looga hadlay sidii loo sugi lahaa ammaanka doorashada ka dhici doonta dalka Soomaaliya marka la gaaro sanadka 2020/21.

Kulanka ayaa waxaa soo agaasimay Guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ee Golaha Shacabka, waxaana shir-guddoominayay guddoomiyaha guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ee Golaha Shacabka Xildhibaan C/laahi Abuukar Xaaji {Eng.Carab}.

Wasiiradda Amniga iyo Gaashaandhigga ee xukuumadda federaalka ee Soomaaliya ayaa guddiga sharaxaad guud ka siiyay sida ay ugu diyaar garoobayaan suggida ammaanka guud ahaan goobaha ay ka dhici doonto doorashada dalka ee sanadka 2020/ 2021-ka.

Guddoomiyaha guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ee Golaha Shacabka Xildhibaan C/laahi Abuukar Xaaji {Eng.Carab}, ayaa sheegay in ay muhiim tahay in si weyn loo sugo amniga goobaha la filayo in ay doorashada ka dhacdo.

SIdoo kale waxaa uu carabka ku adkeeyay in wasiiradda ay quseyso arrimaha sugidda amniga looga baahanyahay in ballaariyaan qorshahooda ku aadan amniga guud ahaan ee dalka gaar ahaan doorashada madaxtinimada ee dalka Soomaaliya.

Nooca doorasho ee dadka Soomaaliyeed ay filayaan sanadka 2020/21, ayaa ah doorasho Qof iyo Cod ah, waxaana dalka sanadihii lasoo dhaafay ka hana-qaaday axzaab siyaasadeed oo doonaya in ay ka-qeyb noqdaan doorashada dalka ka dhici doonta.

Warar kale oo la xiriira