Baarlamaanka Sharciyo La Ansixiyay Warar 

Golaha shacabka oo Akhrinta 2-aad marsiiyay hindise-sharciyeedka maamulka dakhliga Dalka

Kulanka Mudanayaasha Golaha Shacabka oo uu shir Guddoominayay Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey, ayaa waxaa looga hadlo arrimo badan oo ku saabsan dakhliga dalka, iyo ansixiyeen xubin magacaabaneyd oo aheyd buuxinta boos ka banaanaa guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa Akhrinta 2-aad marsiiyay Hindise sharciyeedka maamulka dakhliga Dalka,waxaana golaha sharcigan iyo marxalidihii kala duwanaa ee uu soo maray u akhriyay guddoomiyaha gudiga maaliyada, qorsheynta iyo la xisaabtanka hay’adaha dowladda Xildhibaan Maxamuud Cabdullaahi Siraaji oo sidoo kale golaha ka codsaday in ay ansixiyaan.

Ugu dambeyn xildhibaan ayaa cod u qaaday sharcigan ka dib markii dooda xildhibaanda ay u badatay in cod la geliyo ,waxaana natiijada codeynta ku dhowaaqay shir guddoonka kulanka mudane Cabdiwali sheikh Ibraahim Muudey

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay in wasaaradda maaliyadda looga baahanyahay in ay cadeyso xuquuqaad uu sheegay in ay ka maqanyihiin xildhibaano

Sidoo kale mas’uuliyiinta wasaaradda maaliyadda ayaa golaha maanta usoo gudbiyay Akhrinta koowaad ee dib ugu noqoshada miisaaniyadda sanadka 2019,waxaana mudanayaasha golaha u faah faahiyay wasiiru dowlaha wasaaradda maaliyadda Mudane Maxamuud Xayir Ibraahim

.Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee golaha shacabka Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in madaxda wasaaradda maaliyadda looga baahanyahay in ay golaha hor yimaadaan si loo weydiiyo su’aalo ay mudanayaasha golaha u qabaan,si wax badan looga ogaado howlaha wasaaradda maaliyadda,waxaana sidoo kale mudanayaasha golaha loo qeybiyay Axdiga Ilaalinta Hanti dhaqameedka xiliyada colaadaha .

Warar kale oo la xiriira