Baarlamaanka Sharciyo La Ansixiyay Warar 

Xildhibaan Siraaji oo sheegay in si weyn looga soo-shaqeeyay Sharciga Dakhliga ee la meel-mariyay

Xildhibaannada Golaha Shacabka BJFS ayaa shalay oo taariikhda ay ku beegneyd 21-ka bisha Oct meel-mariyay hindise-sharciyeedka Dakhliga, kaas oo horay usoo maray akhrinta labaad.

Ku-simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdi wali Ibraahim Sheikh Muudey oo kulanka Guddoominayay ayaa sheegay in lix xildhibaan ay ka aamuseyn u codeynta hindise-sharciyeedka, laba xildhibaanna ay diideen halka 135 Xildhibaan ay u codeyeen sharciga.

Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka Mudane Maxamud Siraaji, ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka uga Mahadceliyay xildhibaannada meel-marinta Sharciga Dakhliga, waxaana uu carabka ku adkeeyay in wakhti badan la geliyay ka shaqeynta sharciga Dakhliga dalka.

Hindise-sharciyeedka ayaa intii diyaarintiisu ay socotay, waxaa ay guddiga ay safari ku tageen xarumaha maamul-gobolleedyadda dalka, halkaasi oo ay qiimeyn kasoo sameyeen.

Warar kale oo la xiriira