Aragti Baarlamaanka Warar 

Madaxweyne Deni oo Baarlamaanka ka baxay isagoo “xanaaqsan” kaddib markii Su’aallo la weydiiyay

Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdulllahi Deni, ayaa maanta si rasm ah u daah-furay Kalfadhiga 45aad Golaha Wakiilada Puntland.

Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland, Cabdixakiim Maxamed Axmed (Dhoobo), ayaa furay kulanka isagoo sheegay “in madaxweynaha su’aalo la weydiin karo”.

Kaddib Khudbada furitaanka Madaxweynaha Puntland ayaa Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiiladda ay bilaabeen in ay weydiiyaan su’aallo balse Madaxwenaha ayaa si carra-leh uga baxay fadhiga furitaanka maanta.

Su’aasha uu ka carrooday Madaxweynaha waxaa weydiiyay xildhibaan lagu magacaabo Cawil Daad, waxaana su’aasha ay ka hadleysay qeyb-kamid ah amniga iyo waxa dowladda Deni ay qabtaya muddadii ay xilka heysay?

“Mudane Madaxweyne, waxaad xilka haysay sagaal bilood, wejiga dhabta ah ee xukuumadda aad hoggaamisana waxaa la moodaa in uu ku jiro maalmihii ugu dambeeyay ee muddo xileedkaaga,” ayuu su’aashiisa ku billaabay Xildhibaan Cawil.

“Mudane Madaxweyne, maadaamaa khilaafka adiga iyo madaxweyne ku xigeenkaagu uu soo noqdnoqday, oo uu yahay mushaakil dadka niyad xumi ku sii abuuray, soo kulama haboona inaad adiga iyo ku xigeenkaagu xafiiska baneysaan si aynu u badbaadinno bulshadeenna?”

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka jawaabay su’aasha wuxuuna yiri: “Xaqiiqda marka loo hadlo, dadka dalka xogtiisa haya ma ahan Baarlamaanka oo keli ah. Dalka xogtiisa waxaa haya dadka reer Puntland oo dhan”.

“Markaan xilka qabannay meesha uu dalka joogay waad ogtihiin. Maanta waxa aan sheegeyno ma ahan warqado hadallo ku qoran; Waa wax xaqiiq dhab ah oo jira”, ayuu yiri Madaxweynaha.

“Amniga, meelihii ugu darnaa waxaa ka mid ah Boosaaso, waxaan filayaa in dad badan oo mas’uuliyiin ah ay Boosaaso ka yimaaddeen. Waxaan ka rabaa Cawil inuu caddeyn dhab ah keeno meesha amni darro darteed looga qanuuday”, ayuu yiri Deni.

Wuxuu intaa ku daray: “Gobolka Sanaag oo dhan, marka laga reebo magaalada Yubbe iyo inyar oo la mid ah, gacanta Puntland ayay soo gashay muddadii aan xilka haynay”. Kadib waxaa u sacbiyay tageerayaashiisii fadhiyaey kulanka.

Madaxweyne Deni, ayaa si carra-leh uga jawaabay su’aasha isaga oo xildhibaanku weydiiyay in uu caddeymo la yimaado. Mr Deni ayaa sheegay in amniga magaalada Boosaaso aad loo adkeeyay iyo meelaha kale ee amni darrada ay ka jirtay.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdulllahi Deni, ayaa si carra-leh u yiri in 99 boqolkiiba dhulka Gobolka Sanaag uu soo galay gacanta maamulka Puntland intii uu halka hayay, sida uu halka u dhigay.

Fadhigii maanta, ayaa waxaa hareeyay buuq iyo sawaxan, waxaana guddoomiyaha golaha wakiiladda ii isku dayay in uu xakameeyay kulanka.

Warar kale oo la xiriira