Aragti Baarlamaanka Warar 

Golaha shacabka oo maanta meel-mariyay sharciga Furdooyinka iyo Sharciga iibka Qaranka

Kulanka mudanayaasha Golaha Shacabka Barlamaanka Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu Shir Guddoominaya Guddomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa maanta lagu qabtay xarunta Villa Hargeysa, waxaana kulanka uu ahaa kulankodii 6aad kalfadhigiisa 6aad ee Golaha Shacabka.

Mudanayaasha ayaa ugu horeyn dood ka dib meelmariyay Sharciga iibka Qaranka, waxaana ogolaatay 133 xildhibaan, labo Xildhibaan ayaa diiday halka afar mudane ay ka aamuseen meel marinta sharcigan.

Sidoo kale mudanayaasha ayaa ansaxiyay sharciga Furdooyinka waxaana ogolaatay 134 waxaa diiday Shan Xildhibaan, Sedexna way ka aamustay.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Maxamuud Xayir Ibraahim iyo Xildhibaan Aamina Sheekh Cusmaan oo ah Guddoomiye Kuxigeenka Guddiga maaliyadda, Miisaaniyadda, Qorsheynta iyo La Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ayaa mudanayaasha golaha uga mahad celiyay ansixinta sharcigan.

Sidoo kale Xildhibaan Aadan Cali Xasan Xoghayaha Guddiga Maaliyadda ayaa golaha usoo gudbiyay Akhrinta seddaxaad ee wax ka bedelka Sharciga furdooyinka, gaar ahaan qodobada wax ka bedelka lagu sameeyay.

Dhinaca kale xildhibaannada Golaha shacabka ayaa maanta ka dooday Ajende horey uu goluhu ugu balansanaa oo ahaa in dood  laga yeesho soo xaadirista Xildhibaannada ee fadhiyada golaha, waxaana dooda ka hor Guddoomiyaha Golaha shacabka uu kaga hadlay muhiimada kalfadhigan iyo howlaha golaha horyaala.

Qaar ka mid ah Xildhibaannada golaha shacabka ayaa fikirkooda ka dhiibtay soo xaadirista Xildhibaannada iyo howlaha muhiimka ah ee Golaha horyaala kalfadhigan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in doodda ku saabsan soo xaadirista Xildhibaannada ee kulamada Golaha  uu sii socon doono, waxaana uu Xildhibaannadda uga mahadceliyay sida ay uga go’antahay dar dar gelinta howlaha Golaha horyaala.

Warar kale oo la xiriira