Aragti Baarlamaanka Warar 

Guddoomiyeyaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo Muqdishu uga qeyb-gallay maalinta Qaranka dalka Turkiga

Xarunta Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho ayaa gelinkii dambe ee shalay waxaa lagu qabtay Xuska 29-ka October oo ah maalinta Qaranka dalka Turkiga oo sanad walba marka la gaaro 29-ka October la xuso.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheeekh Cabdiraxmaan, Guddoomiyaha golaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaaahi iyo mas’uuliyiin kale oo ay ku jiraan wasiiro iyo Xildhibaano ayaa ka qeyb-gallay xuska maalinkan.

Ugu horeyn safiirka Turkiga ee Soomaaliya oo munaasabada ka hadlay ayaa ka hadlay muhiimada maanta oo kale ay u leedahay shacabka iyo dalweynaha Turkiga.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Dalka Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa shacabka walaalaha Turkiga iyo dowladooda la u diray hambalyo ku aadan maalinta Qaranka ee Dalkaasi.

Mudane; Xaashi, ayaa xusay in madaxweyne , recep tayyip erdoğan iyo Xaaskiisa ay ka degeen Garoonka Muqdisho, iyadoo ay Beesha Caalamkuna Indhaha ka laabatay Soomaaliya, kana aaminsanaayeen meel aan la tegi karin, isla markaana ay keeneen gargaarkii ugu horreeyay.Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa Dowladda iyo Shacabka Turkiga uu u jeedinayo hambalyo ku aaddan munaasabadda Sanad guuradii 96 ee kasoo wareegatay markii la aas aasay Jamhuuriyada Turkiga.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo dhankiisa Hambalyo u diray walaalaha turkiga ayaa aad uga hadlay xiriirka walaaltinimo ee aan la leenahay Dalka Turkiga iyo sidoo kale muhiimada maanta oo kale ay u leedahay shacabka Turkiga.

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, ayaa sidoo kale kamid ahaa martidda ka qeyb-gashay munaasabada, waxaana dhankooda ay hambalyo u direen shacabka dalka Turkiga.

Madaxweynihii ugu horreeyay ee Jamhuuriyadda Dalka Turkiga , Mustafa Kamel Ataturk, ayaa 29-kii Oktoobar 1923-kii ku dhowaaqay in Maalintaasi loo aqoonsado Maalin Qaran, markii ay meesha ka baxday Boqortooyadii Cusmaaniyiinta.

Warar kale oo la xiriira