Aragti Baarlamaanka Hindise-Sharciyeedyo Warar 

Maxaad doneysaa in aad ka oggaato Hindise Sharciyeedka Qareennada Soomaaliyeed iyo qodobada ku jira?

Wasiirka Cadaalada xuukamada Federaalka ee Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa 2-dii bisha Nov hortagay Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa xildhibaannada ka horjeediyay Akhrinta 1aad Hindise Sharciyeedka Qareenada Soomaaliyeed iyo Akhrinta 1aad ee Hindise Sharciyeedka Nootaayadda Dadweynaha.

Hindise-sharciyeedka waxaa uu ka hadlayaa qaab dhismeedka ururka Qareennada Soomaaliyeed. Waxaa daraasad lagu sameeyay sharcigii 84 ee soo baxay 21 oct sanadkii 1975 sharcigaasi ayaa waxaa lagu sameeyay dib-u-eegis iyadoo la qiimeynayo xaaladda hadda ka jirta dalka. Sidoo kale hindise-sharciyeedka waxaa kamid ah hab-raaca ay u shaqeyn doonnaan ururka Qareennaada Soomaliyeed.

Hindise Sharciyeedka Qareenada Soomaaliyeed, waxaa kamid ah in la sameeyo ururka Qareennada heer federal iyo heer dowlad gobolleed iyo gobolka Banaadir, waxaana ay la haan doonaan nidaam guud oo ay ku wada xiriirayaan.

Xeerka waxaa uu faah-faahinayaa qaab dhismeedka Ururka Qareennada Soomaaliyeed, wada shaqeyn-tooda, maamulkooda iyo dhammaan howlaha shaqo ee u yaalla.

Xeerka waxaa uu sidoo kale faaf-faahinayaa qaabka loo bixinayo ruqsada qareenimadda, imtixaanada ay marayaan iyo haddii qareenka uu khalad gallo sidii ruqasada loogala noqon lahaa.

Qodobadaasi aan kor kusoo xusnay ayaa ah kuwa ugu waaweyn uguna muhiimsan ee ku jira hindise-sharciyeed, kaas oo loo arko mid muhiim ah.

Ururka Qareennada ayaa noqonaya laf-dhabarta cadaallada haddii sida dasuurka uu qabo loo dhiso, loona madax banaaneeyo, madaama qof kasta oo lagu soo oogo dambi uu u baahanyahay Qareen difaaca kaas oo xaq u siinaya dastuurka dalka.

Warar kale oo la xiriira