Aragti Baarlamaanka Hindise-Sharciyeedyo Warar 

Xildhibaannada Aqalka Sare oo ka dooday Hindise-Sharciyedka Maamulka Maaliyada Guud

Xildhibaannada Golaha Aqalka Sare ayaa ku yeeshay xarunta Aqalka Sare Kulakii 9aad ee Kalfadhiga 6aad, kaas oo uu shir Guddomiyay Guddomiyaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaaahi Cabdullahi.

Ajanadaha Kulanka ayaa ahaa 1.Akhrinta 1-aad ee Hindise-Sharciyedka Maamulka Maaliyada guud ee dalka Soomaaliya.

Hindise-Sharciyeedkan oo ay soo diyaarisay Waasarada maaliyada ayaa waxaa akhrinta 1aad marsiiyay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamuud Xayir Ibraahim. Wasiru doowlaha ayaa sheegay in hindise-sharciyeedkan mudo laga soo shaqeeynayay muhiimadna u yahay dalaka .

Guddomiyaha Aqalka Sare Senatar Acabdi Xaashi Cabdullahi ayaa wareejiyay Hindise-sharciyeedka Maamulka Maaliyada guud, Guddiga Dhaqaalaha Aqalka Sare si ay uga gutaan wajib kooda uga aadan hindise-Sharciyeedkan.

Shalay ayey ahed markii Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ay ansixiyay xisaab xirka miisaaniyada sanadka 2017. Kulanka oo ahaa midkii 7-aad ee Kalfafhiga 6-aad ee Golaha ayaa waxaa soo xaadiray 140 Xildhibaan, isla markaana waxaa Shir Guddoominaya Guddoomliye Cabdi Sheekh Ib

Warar kale oo la xiriira