Aragti Baarlamaanka Hindise-Sharciyeedyo Warar 

Aqalka sare oo ka dooday Hindise-Sharciyedka Wax-ka-badalka Xeerka Warbaahinta

Golaha Aqalka Sare ayaa ku yeeshay xarunta Aqalka Sare Kulakii 10aad ee Kalfadhiga 6aad, waxaana kulanka shir Guddomiyay Guddomiyaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaaahi Cabdullahi.

Ajanadaha Kulanka ayaa ahaa Akhrinta 1-aad ee Hindise-Sharciyedka Wax-ka-badalka Xeerka Warbaahinta iyo Dhageeysiga Warbixinta Guddiga gaarka ah ee arrimaha fatahaadaha.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Maxamed Cabdi Waare, oo khudbad ka jeediyay kulanka ayaa ka hadlay muhiimada sharciga uu u leeyahay dalka Soomaaliya, waxaana uu Senatarada uu ka codsaday in ay meelmariyaan sharciga.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in xilligaan Baraha Bulshada ay saameyn ballaaran ku leeyahay dunida. Waxaa uu sheegay Wasiir Maareeye in waxyaabaha la soo dhigo Baraha Bulshada ay yeelan karaan saameyn badan,isla markaana ay jiraan dad si xun u adeegsado,isla markaana Madaxda ku aflagaadeeyo.

Hindise-Sharciyeedkaan oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa waxaa ay akhrinta 1aad marsiiyay Wasiirka Waasarada Warfaafinta Dhaqanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareye.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa ku wareejiyay Hindise-Sharciyeedka wax-ka-badalka Xeerka Warbaahinta, Guddiga Horumarinta Adeega Bulshada, Arimaha Bina’adannimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka, Aqalka Sare si ay uga gutaan wajibaadka uga aadan hindise-Sharciyeedkan.

Mar dhow waxaan idin soo gudbin doonnaan, sharciga saxaafadda iyo qodobada uu muranka ku jiro.

Warar kale oo la xiriira