Aragti Baarlamaanka Warar 

Wasaarka Cadaalada iyo Garsoorka “Ciidanka waa kuwo naftooda u huray dalka”

Kulankii Golaha Aqalka sare ee BFS ee uu ajandihiisu ahaa Akhrinta 1-aad ee Hindise-Sharciyeedka Howl-gabnimada, Xaqsiinta iyo hibooyinka Xubnaha Ciidamada Qalabka sida, ayaa mas’uuliyiintii ka hadlay waxaa kamid ahaa wasiirka Cadaalada ee xukuumada Soomaaliya.

Wasaarada Cadaalada iyo Garsoorka, Wasaarada Gaashindhiga iyo Wasaarada Arrimaha Gudaha, ayaa dhammaantood ka qeyb-gallay fadhigii golaha ee todobaadkii hore.

Hindise-Sharciyeedka howlgabnimada, Xaqsiinta iyo hibooyinka Ciidammada Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa maray Akhrinta 1aad. Guddomiyaha Aqalka Sare ayaa ku warwareejiyay Guddiga Difaaca Aqalka Sare si ay oga gutaan wajibkooda ku aadan hindise-Sharciyeedkan.

Wasaarka Cadaalada iyo Garsoorka, ayaa sheegay in ciidanka ay yihiin kuwo naftooda u huray dalka Soomaaliya iyo difaaciisa.

Waxaa uu sheegay in ciidanka ay dhibaateysnaadaan iyada oo ay dowlad jirto in ay dhibaato ku noqoneyso, sida uu hadalka u dhigay.

Wasaarka Cadaalada iyo Garsoorka, ayaa sheegay haddii sharcigaasi Baarlamaanka uu ansixiyo in ay faa’iido weyn u tahay ciidanka Qalabka Sida.

Warar kale oo la xiriira