Aragti Baarlamaanka Warar 

Imisa shir wada-tashi ayey galeen guddiga KMG ee soo diyaarinta Sharciga Doorashooyinka ee golaha Shacabka?

Guddiga Ku-meel-gaarka ah ee soo diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Qaranka ee golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya sameeyay kulamo wada-tashi ah tan iyo markii guddiga la sameeyay.

Guddiga waxaa uu ka koobanyahay 15 xildhibaan, waxaana guddiga uu soo shaqeynayay ilaa 15-kii bisha July. Guddiga waxaa uu kulamo wada tashi ay uu la qaadatay qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaana uu safari uu ku kala tegay xarumaha maamul-goboleedyada dalka Soomaaliya.

Guddiga Ku-meel-gaarka ah ee soo diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Qaranka ee golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa galay 44 shir oo wada-tashi ah kuna saabsan Dastuurka tan iyo markii ay shaqadda bilaabeen.

24-kamid ah shirarkaasi waxaa ay ka dhaceen magaalada Muqdishu, waxaana kulamadaasi intooda badan ka qeyb-gallay axzaabta dalka Soomaaliya, oo intooda badan xafiisyo ku leh Muqdishu.

20-kamid ah shirarka ay galeen guddiga ayaa waxaa ay ka dhaceen gobolada dalka, gaar ahaan xarumaha maamul-gobolleedyada dalka.

Dhageysiga tallooyinka ayaa hadda maraya heer-gaba-gaba ah, waxaana dhawaan la filayaa in Guddiga uu sameeyo kulan dad-weyne oo ku saabsan Dastuurka.

Guddi ku meel gaar ah oo soo diyaariya sharciga doorashooyinka Qaran, oo ka kooban 15 xubnood, ayaa waxaa la magacaabay 21-kii bishii July ee sanadkan 2019.

Warar kale oo la xiriira