Aragti Baarlamaanka Warar 

Barlamaanka Puntland oo xilka ka qaaday ah guddoomiyihii Barlamaanka

Xildhibanaada Barlamaanka Puntland ayaa xilka ka qaaday guddoomiyihii Barlamaanka, Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo), waxaana xil ka qaadistiisa u codeesay 49 Xildhibaan, halka 4 xildhibaanna ay ka aamustay.

Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee baarlamanka Puntalnd Abuukaate Cabdicasiis ayaa kudhawaaqay in sidaas xilka looga qaaday gudoomiyihii Baarlamanka Puntland, Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo) oo aanan ka soo qeybgalin kulanka barlamaanka.

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ayaa sheegay in guddoomiyaha lagu soo eedeeyay dhowr qodob, kuna tuntay qoddob ka mid ah dastuurka Puntland, waxaana ay tusaale usoo qaateen hadal la sheegay in uu yiri guddoomiyaha oo ahaa in Puntland ay dhisteen oo ay qabsadeen saddex qabiil, arrintaas oo ay shegeen in ay meel ka dhac ku tahay sharciga Puntland.

Warar kale oo dheeraad ah halkan kala soco…

Warar kale oo la xiriira