Aragti Baarlamaanka Warar 

Goormaa ayey xukuumadda usoo gudbisay Baarlamaanka Hay’adda Damaanada Maalgashiga darafyada badan?

Guddoomiyaha Guddiga Ganacsiga iyo warshadaha ee Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Beene Beene, ayaa Xildhibaanada Golaha ka hor-jeediyay Akhrinta 2aad Heshiiska ka mid noqoshada Hay’adda Damaanada Maalgashiga darafyada badan.

Heshiiskaasi ayaa todobaad ka hor laga hor akhriyay Baarlamaanka, waxaana heshiiska intiisa badan uu ku qoranyahay luuqadda Ingiriisiga, inkastoo luuqadda Soomaaligana ay ku jirto balse ma badna.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, ayaa heshiiskaasi soo saxiixay taariikhda markii ay ahed February 13 sanadkii 2018. Intaasi kaddib golaha wasiiradda ayaa loo soo gudbiyay si ay waajibaadkooda dastuuriga ay uga soo gutaan. Markii golaha wasiiradda ay soo ansixiyeen, waxaa loo soo gudbiyay golaha shacabka ee Baarlamaanka.

4-tii bishan Nov, Xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa Akhrinta 2-aad marsiiyay Heshiiska ka mid noqoshada hay’adda damaanadda maalgashiga darafyada badan oo ay soo gudbisay Wasaaradda Ganacsiga Waxaana Golaha u faah faahiyay Guddoomiyaha guddiga ganacsiga,dhaqaalaha, warshadaha iyo maalgashiga ee Golah Shacabka Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Beene Beene.

Wasiirka Ganacsiga xukuumadda Soomaaliya ayaa todobaadkii hore Akhrinta 1aad marsiiyay Heshiiska ka mid noqoshada Hay’adda Damaanada Maalgashiga darafyada badan.

Warar kale oo la xiriira