Aragti Baarlamaanka Warar 

Waa kuma saddexda musharax ee u tartameysa Doorashada gudoonka Baarlamaanka Puntland?

Doorashada gudoonka Baarlamaanka Puntland ayaa la qorsheeyey inay dacdo Bari Khamiista oo ku beegan 14-November-2019.

Kursiga Gudoomiyaha waxaa ku tartamaya 3 musharax oo kasoo jeeda Gobalka Sanaag, Xildhibaan Abwaan Cabdirishadii, Xildhibaan Cabdi Jamaa iyo Xildhibaan Cali Dhahar.

Xildhibaan Cabdijamaal waxaa uu xilal kasoo qabtay xukuumadihii hore waxaa uu soo noqday wasiir kuxigeenka amniga iyo wasiirka Xanaanada Xoolaha waxaa lagu xasuustaa dagaaladii uu la galay Alshabaab ee Buuraha Galgala waxaa uu baarlamaanka kusoo biiray 2019.

Xildhibaan Abwaan Cabdirashiid waxaa uu siyaasadda soo galay xiligii ololaha doorashada Madaxweyne Cabdiwali Gaas waxaa uu ahaa agaasimihii warfaafinta Madaxtooyada Puntland intii uu xilka hayey Madaxweyne Gaas baarlamaanka wuxuu kusoo biiray 2019.

Xildhibaan Cali dhahar waxaa uu baarlamaanka shaqaynayey mudo ka badan 10 sano waxaa uu soo noqday xoghayaha guud ee Baarlamaanka Puntland waxaa lagu tiriyaa raga aqoonta u leh xeerarka Baarlamaanka iyo shuruucda Dalka 2019 ayuu noqday xildhibaan.

Waxaa jira loolan adag oo ay qayb ka tahay madaxtooyada iyo dhinacyo kale oo leh damac noocuu doonaba ha noqdee.

Balse Baarlamaanka Puntland waxaa hor taala Tijaabo adag oo lagu qiimayn doono cida ay bari u doortaan Gudoonka Baarlamaanka shacabkuna indhaha ayey ku hayaan.

Qalinka: Jama Abdirahman Faandhe

Warar kale oo la xiriira