Aragti Baarlamaanka Hindise-Sharciyeedyo Warar 

Guddiga arrimaha Bulshada ee Aqalka sare oo wada kulamo la tashi ah oo ku saabsan hindise sharciyeedka mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka

Guddiga arrimaha Bulshada Golaha Aqalka sare BFS ayaa Dowlad Goboleedyada Dalka kulan la tashi ah kala yeeshay hindise sharciyeedka Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka.

Kulanka ayaa waxaa furay Guddoomiyaha Guddiga horumarinta adeegga Bulshada ,arimaha Bini,aadannimada warfaafinta dhaqanka ee Golaha Aqalka sare , Sen; Axmed Macallin Cumar Nadiif.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in kulankan uu yahay la tashi looga hadlayo hindise sharciyeedka mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka.

Hindise sharciyeedka mihnadlayaasha caafimaadka Qaranka ayaa qodob qodob loo aqriyay, iyadoo xubnaha Dowlad Goboleedyada ay iyaguna fikirkooda ka dhiibteen.

Xoghayaha  Guddiga horumarinta  adeegga Bulshada ,arimaha Bini,aadanimada warfaafinta dhaqanka Golaha Aqalka sare, Sen, SamSam Daahir Maxamuud, ayaa gaba gabada kulanka sheegtay in ay muhiim tahay la tashiga qeybaha uu  khuseeyo sharcigan.

Warar kale oo la xiriira