Aragti Baarlamaanka Warar 

Xildhibaanadda Baarlamaanka maamulka Puntland oo doortay guddoomiye cusub

Xildhibaanadda Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa maanta Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, u doortay Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Maamulkaasi.

Kulanka maanta waxaa soo xaadiray 63, Xildhibaan, waxaana ka maqnaa 3-Xildhibaan.

Xilka Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka maamulka Puntland waxaa ku tartamay saddex musharrax oo kala ah, guddoomiyaha la doortay Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Cali Axmed Dhahar  iyo Cabdijamaal Cismaan Maxamed.

Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa helay 46-cod, halka musharixii kusoo xigay ee Cabdi jamaal Cismaan Maxamed uu isna helay 17-cod.

Guddoomiye Cabdirashiid Yuusuf waxaa uu siyaasadda Puntland ku soo biiray sannadkii 2014, xilligaasi oo uu agaasimaha waaxda warfaafinta ka noqday madaxtooyada Puntland, isagoo xilkaasi hayay 5-tii sano ee xukuumadii Dr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas).

Sidoo kale, Baarlamaanka Puntland ayuu ku soo biiray sannadkan 2019, waxaana laga soo doortay degmada Badhan ee gobolka Sanaag.

Guddoomiyaha cusub ayaa lagu tilmaamaa shakshi saamayn weyn ku leh siyaasadda Puntland ee ku wajahan arrimaha gobolka Sanaag.

Warar kale oo la xiriira