Baarlamaanka Warar 

Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay Guddiga KMG ee doorashooyinka Puntland

Baarlamaanka maamulka Puntland oo maanta yeeshay fadhigoodii ugu horreeyey tan iyo intii ay doorteen guddoomiyaha cusub, ayaa anixiyay guddiga Doorashooyinka ee maamulkaasi.

Gguddiga kumeel-gaarka ah ee doorashooyinka Puntland ee TPEC, ayaa waxaa in dhawaala ah ka taagnaa khilaaf xooggan.

Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa, ayaa waxaa dood xooggan ay ka dhax-kicisay magacaabista guddiga waxayna ay kaga wada hadleen siyaabo kala gedisan, inkasta oo markii dambe ay dhinacyadu ka gaareen heshiis  aan buurneyn.

Gudoomiyaha cusub eeBbaarlamaanka Puntland Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa shir Guddoomiyay kulanka maanta ee lagu ansixiyay guddiga.

Xildhibaanada ayaa ansixiyay Guddiga doorashooyinka waxayna ka dalbadeen in ay dardargaliyaan shaqooyinka loo idmaday.

Baarlamaanka Puntland ayaa wajahaya Khalaalase Siyaasadeed tan iyo markii xilka laga qaaday Gudoomiyihii baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed Dhoobo.

Warar kale oo la xiriira