Baarlamaanka Hindise-Sharciyeedyo Warar 

Shirka ka wada tashiga hindise sharciyadeedka shirkadaha dalka oo lagu soo gaba-gabeeyay Garoowe

Magaaladda Garowe ee xarunta maamulka Puntland, waxaa xalay lagu soo gaba-gabeeyay shirka tashiga hindise sharciyadeedka shirkadaha dalka, kaas oo u dhaxeeya Guddiga maaliyadda iyo dhaqaalaha Golaha Aqalka sare iyo maamul Goboleedyada Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Guddiga maaliyadda iyo dhaqaalaha Golaha Aqalka sare Wasaaradda ganacsiga iyo Wershadaha Soomaaliya, Wasiiradda iyo qaar ka mid ah Xil-dhibaannada maamul Goboleedyada.

Ujeeddada kulanka ayaa ahaa dhageysiga talooyinka maamul GoboleedyadaxXubnaha ka ah  Dowladda Federaalka Soomaliya ee ku aaddan hidise sharciyadeedka shirkadaha, kaas oo horyaalla Golaha Aqalka sare ee Dalka.

Gaba-gabada Shirka Wada-tashiga ee u dhaxeeyay maamul Goboleedyada Dalka, Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, Guddiga maaliyadda iyo dhaqaalaha Golaha Aqalka sare ayaa kusoo dhamaaday jawi wanaagsan.

Warar kale oo la xiriira