Aragti Baarlamaanka Warar 

Madaxweyne Farmajo oo kulan la leh qaar kamid ah xisbiyada siyaasadeed ee KMG ah ee dalka

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa haatan kulan kula qaadanaya xarunta madaxtooyada Qaranka Villa Soomaaliya qaar kamid ah Xisbiyada Siyaasadeed ee Kumeel Gaarka ah kuwaa oo ka diiwaangashan Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Qaranka mudane C/nuur Maxamed Axmed, ayaa sheegay in kula kaasi uu muhiimad weyn uu leeyahay.

Kulamadaan ayaa looga gol leeyahay in Madaxweynuhu uu wada-tashiyo ballaaran la qaato saamileyda siyaasadeed ee dalka, lagana wada hadlo sidii doorasho qof iyo cod ah oo waqtigeeda ku qabsoonta looga hirgelin lahaa dalka

Warar kale oo la xiriira