Aragti Baarlamaanka Warar 

Labada Aqal ee Baarlamaanka oo maanta ka doodaya meel-marinta habraaca ansaxinta dib-u-eegista Dastuurka

Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in ay yeeshaan kulan wadajir ah ku yeshaan magaalada Muqdishu.

Kulankaan oo ah mid muhiim ah ayaa ajandihiisu yahay meel-marinta habraaca ansaxinta dib-u-eegista Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddiga soo diyaarinta dib-u-eegista Dastuurka ee Golaha Shacabka ayaa bilihii lasoo dhaafay waday kulamo wada-tashi ah kaas oo ku saabsan dastuurka.

Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ah mid KMG ah oo u baahan in dib u eegis lagu sameeyo kadibna afti Dadweyne loo qaado, si uu u noqdo mid rasmi ah.

Si aad macluumaad badan u hesho fadlan cusbooneysiiso boggan xili walba…

Warar kale oo la xiriira