Aragti Baarlamaanka Warar 

Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxa Xafiiska Hawlgalka Kaalmeynta QM oo ka wada hadlay Doorashada

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xafiiskiisa qaabilay ku xigeenka Madaxa Xafiiska Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ahna Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Raisedon Zenenga iyo mas’uuliyiin kale oo isla xafiiskaas ka tirsan.

Labada dhinac ayaa waxaa ay ka hadleen dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin Doorashada la filayo in ay dalka ka dhacdo 2020/2021 iyo sidii loo Fududeyn lahaa dhamaan shuruucda muhiimka u ah howlaha doorashooyinka oo uu hadda golaha gacanta ku hayo.

Noocii doorasho ee Qof iyo Cod ahaa ee la sugayay ayaa hadda u muuqata mid laga niyad-jabay kaddib markii guddigii Baarlamaanka ee soo diyaarinta sharciga Doorashooyinka ay ay shegeen in xiligan aaney suugal aheyn doorasho qof iyo cod ah.

Warar kale oo la xiriira