Aragti Baarlamaanka Warar 

Guddoonka Baarlamaanka oo dalbaday in labo todobaad lagu keeno warbixin ku saabsan xayiraadii safar ee Xildhibaan Daleys

Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa sheegay in ay sameyeen Guddi xaqiiq raadin ah oo warbixin dhameystiran ka keena Xildhibaan sheegay in laga xayiray safar ay ku aadi laheyd gobolka Gedo.

Xildhibaan Daleys Xasan Aadan, ayaa fadhigii ugu dambeeyay ee Baarlamaanka ku sheegtay in 25-kii bisha laga hor istaagay in ay ka dhoofto garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Warqad qoraal ah oo ka soo baxay Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo loo diray Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Golaha ayaa lagaga dalbaday in muddo labo todobaad gudahood Baarlamaanka ku hor-keenaan warbixin dhameystiran oo ku saabsan xayiraadii lagu sameeyay Xildhibaan Daleys Xasan Aadan.

Xildhibaan Daleys Xasan Aadan, ayaa hay’adda Nabad Sugida ku eedeysay in ay ka dambeyeen xariyaadii la saaray, waxaana ay sheegtay in ay u socotay deegaan doorashadeeda oo ah degmada Luuq ee Gobolka Gedo.

Xildhibaan Daleys waxaa ay tiri:

“Waxaan shalay oo aheyd Axad fasax weydiista guddoonka Baarlamaanka si aan ugu safro deegaan doorashadeyda. Waxaan aaday airport-ka Mogadishu, saacado kaddib ayaa waxaa la igu wargeliyay in airport-ka aan ka bixi karin, ayna i heysato Hay’adda Nabad-sugida iyo sirdoonka Qaranka”.

“Waxaan codsan lahaa in dambiga airport-ka iga yaalla ee aan ku bixi karin in loo keenno guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya, si dacwadaasi ay guddoonka u galaan”, ayey tiri.

Bishii Sept, Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku hakiyeen diyaarad usocotay magaalada Kismaayo oo uu ku safri lahaa madaxweynhii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Diyaarada ayaa loo diiday in ay ka duusho garoonka Muqdisgo xili ay duulimaadkeeda tooska uu ahaa magaalooyinka Kismaayo iyo Nayroobi.

Sheekh Shariif Sheelh Axmed ayaa waxa uu doonayay in uu ka qaybg galo caleemo saarka madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Madoobe.

Warar kale oo la xiriira