Aragti Baarlamaanka Warar 

Xildhibaan Ahmed Macalim Fiqi “Sharcigan anniga waxaan u bixiyay wal-wal tire”

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa gelinkii dambe ee shalay ka dooday Akhrinta Labaad ee Sharciga Doorashooyinka Qaranka, kaasi oo ay soo diyaariyeen Guddiga Doorashooyinka ee Golaha Shacabka.

Kulanka Guud ee Golaha Shacabka oo uu shir-guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Xildhibaannada Golaha waxa ay dood adag ka yeesheen Sharciga Doorashooyinka Qaranka, iyadoo mudanayaashu ay ka dhiibteen afkaartooda la xiriirta sharcigan.

Guddoomiyaha Golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in kulanka xiga lagu sii amba qaadi doono ka doodista sharciga doorashooyinka Qaranka.

Doodii Barlamaanka maantay ee ku saabsanayd labada cutub ee u horeysa Hindise Sharciyeed doraashooyinka qaranka oo Soomaaliya ay yeelan doonto 50 sanadood ka dib.

Fursad wanaagsan ayey u tahay shacabka in dalka Soomaaliya uu qaado wado cusub, doorasho xur ahna ay ka dhacaan, ayuu yiri xildhibaan Fiqi.

Sharcigan waxaan u bixiyay wal-wal tiri, maxaa yeelay waxaad xur ka noqoneysaa odaygii qabiilka ee dhibka badnaa, waxaad ka maarmeysaa madaxweyne goboleed iyo in aad saf u gashay madaxtooyada oo aad codsato in xildhibaan lagaa dhigo.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhawaan la hor keennay sharciga cusub ee doorashada inkasta oo aan wali la isku raacin, waxaana lasoo bandhigay nooca doorasho.

Si aad noocaasi doorasho aad u aragto fadlan soo booqo website-keenna.

Warar kale oo la xiriira