Aragti Baarlamaanka Warar 

Guddoomiyaha Aqalka sare BFS oo dalka Qatar kula kulmay Guddoomiyaha golaha shuurada Dowladda Qatar

Guddoomiyaha golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan  magaalada Dooxa ee Dalka Qatar kula qaatay guddoomiyaha golaha shuurada Dowladda Qatar Mudane Axmed Bin Cabdallah Al Maxmuud.

Kulanka labada guddoomiye waxay si qoto dheer uga wada hadleen arrimo muhiim u ah labada Baarlamaan, kaalinta dowladda Qatar ay ka qaadato dib u dhiska Dowladnimo ee dalka Soomaaliyeed, Qadiyadda reer Falastiin iyo sidii Labada Baarlamaan ay u garab istaagi lahaayeen Shacabka dhibaatayaan ee Reer Falastiin

Labada Guddoomiye waxay isku af garteen in labada Baarlamaan ay yeeshaan xiriir adag iyo wada shaqayn dhow, isla markaasna ay is waydaarsadaan khibradaha sharci dajineed ee labada dhinac.

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Aqalka sare ee Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa magaalada Doha uga qeyb galay shirka 7-aad ee Ururka Baarlamaannada Adduunka.

Shirkan ayaa looga hadlay la dagaalanka musuq-maasuqa iyo sidii loo xakamayn lahaa. Shirka waxaa isla shir-Guddoomiyay Guddoomiyaha Golaha shuurada Qatar, Guddoomiyaha Ururka Baarlamaannada Adduunka (IPU) iyo Guddoomiyaha Ururka Baarlamaannada Adduunka ee la dagaalanka Musuqa (GOPAC).

Warar kale oo la xiriira