Aragti Baarlamaanka Warar 

Waa imisa tirada howl-wadeennada ee Guddiga Doorashooyinka?

Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Soomaaliya, oo ay madax ka tahay Xaliima Ismaaciil Ibrahim, ayaa waxaa uu ka shaqeynayaa qabsoomida doorasho dalka ka dhacda, iyagoona hadda sugaya in loo soo gudbiyo nooca doorasho.

Guddiga soo diyaarinta sharciga Doorashooyinka ee Golaha shacabka ayaa wali kacanta ku haya nooca doorasho, inkasta oo noocii doorasho ee ay soo gudbiyeen uu muran ka dhashay.

Guddiga waxaa uu ka koobanyahay xubno dhowr ah oo ka shaqeeya xafiisyada guddiga ee maamul-gobolleedyada iyo magaalada Muqdishu.

Markii la magacaabay guddiga waxaa uu ku guuleystay in uu dhiso hay’ad doorasho oo leh hufnaan, si ay u hirgelliyaan dhammaan howllaha doorashada. Waxaa uu sidoo kale dhisay qaab-dhismeedka guddiga.

Guddiga maanta waxaa uu leeyahay howl-wadeenno gaaraya 160, kuwaas oo hadda ka howlgalla, xarumaha maamul-gobolleedyada dalka iyo magaalada Muqdishu. Guddiga waxaa uu xubin rasmi ah uu ka yahay hay’addaha doorashada ee caalamka.

Guddiga madaxa banaan ee Doorashooyinka Soomaaliya waxaa uu dhammeystiray manhajka wacyigellinta cod-bixiyaha, qorshaha siyaasada iyo nidaamka gudbinta wacyigellinta codbixiya iyo xisbiyadda.

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa shalay kulankoo 22-aad ee Kalfadhiga 6-aad warbixin uga dhageystaan Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka.

Kulanka waxaa shir-guddominayay Guddomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman Iyo guddoomiye ku xigeenadda kowaad iyo Labaad ee Golaha Shacabka.

Kulankii maanta si gaar ah xasaasi u ahaa ayaa waxaa soo xaadirtay 143 mudan oo gola shacabka ka tirsan. Ajendaha Kulanka ayaa ah warbixinta Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Sii Wadida Akhrinta 2aad ee Sharciga Doorashooyinka Qaranka oo ay maalmahan ka doodayeen xildhibaanadda Golaha shacabka

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya Xaliima Yarey ayaa sheegay in daneeyayaasha Soomaaliya ay aad u daneynayaan doorashada dalka ka dhici doonta sanadkan 2020/2012. Waxaa ay sheegtay in daneeyayaal badan ay lacago ugu yabooheen doorashada dalka halka Golaha ammaanka ee QM uu sheegay in uu taageerayo.

Warar kale oo la xiriira